Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Maanta Loo Qeybiyey Mooshin La Xiriira Codka Kalsooni Kala Noqoshada Xukuumadda

0
917

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta loo qeybiyey mooshin la xiriira codka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda kaasi oo ay Golaha Shacabka usoo gudbiyeen 168Xildhibaan oo ka mid ah mudaneyaasha Baarlamaanka ayadoo dooda mooshinkanna ay bilaaban doonto mudo Shan cisho ah kadib.

Kulanka Baarlamaanka maanta waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayadoo goobjoogna ay ka ahaayeen Gudoomiye ku xigeennada Koobaad iyo Labaad ee Baarlamaanka,Xildhibaannada soo xaadirey kulankana waxa ay gaarayaan 211 Xildhibaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlay furitaanka fadhiga Baarlamaanka ee maanta ayaa sheegay in Xildhibaanno tiradoodu gaareyso 168 Xildhibaan ay usoo gudbiyeen Gudoonka mooshin la xiriira codka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda sidaasi darteedna mooshinkan loogu qeybiyey XIldhibaannada Golaha Shacabka.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo kulanka hadallo kooban ka jeediyey ayaa codsaday in magacyada XIldhibaannada mooshinkan soo saxiixay lagusoo lifaaqo laakiin Gudoonka Baarlamaanka iyo xildhibaanno kale oo iyaguna kulanka ka hadlay waxa ay sheegeen in magacyada XIldhibaannada mooshinkan soo saxiixay la shaacin doono maalinta ay bilaabaneyso dooda mooshinka sida uu qabo qodobka 75aad ee Xoor Hoosaadka Golaha Shacabka oo oranaya mooshin laguma faafin karo golaha dhexdiisa iyo meel kale toona ka hor maalinta ay furmayso doodiisa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo gebagebadii kulanka Baarlamaanka ee maanta ka hadlay ayaa sheegay in maadaama mooshinkan loo qeybiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka ay doodiisu bilaaban doonto mudo Shan cisho ah kadib sida uu qabo xeer Hoosaadka Golaha Shacabka taasi oo ku beegan maalinta sabtida ah oo ay taariikhdu tahay 30ka bishan November.

 

xildhibaanadaBarlamaanka20131124_1
xildhibaanadaBarlamaanka20131124_2 xildhibaanadaBarlamaanka20131124_3 xildhibaanadaBarlamaanka20131124_4 xildhibaanadaBarlamaanka20131124_5 xildhibaanadaBarlamaanka20131124_6 xildhibaanadaBarlamaanka20131124_7 xildhibaanadaBarlamaanka20131124_8 xildhibaanadaBarlamaanka20131124_9