Xildhibaanno shir uga qeyb galay Brussels

9
969

JeylaniInBrussels20131106_2Xildhibaanno ka socday baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayay xuquuqda aadanaha oo shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium.

Wafdiga xildhibaannada ah waxaa hoggaaminayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar.

Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibraahim oo wafdiga xubin ka ah ayaa Bar-kulan u sheegay inuu baarlamaanka Soomaaliya shirka ku casuumay guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Midowga Yurub.

Wuxuu tilmaamay inay shirka ka faa’ideysteen waxyaabo badan oo khuseeya xuquuqda aadanaha, isagoo xusay inay jiraan qodobbo la isla meel dhigay oo ay ku jiraan in baarlamaanka Soomaaliya laga taageero dhinacyada awoodda iyo ka hortagidda xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Xildhibaan Bishaar ayaa sheegay in ay kulamo la yeesheen intii ay ku sugnaayeen Belgium madax ka socotay hay’ado dhowr ah oo ay ku jirto Amnesty International.

Shirka wuxuu socday afar cisho oo ahayd intii u dhaxeysay 4-tii ilaa 7-dii November.

Bar-kulan