Xildhibano dalbaday in Maxkamad la soo taago saraakiisha ciidamada Dowladda

0
924

XildhibaanadaBarlamaanka20130926_4Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa dalbaday in si degdeg ah maxkamad loo horkeeno saraakiisha hogaamineysa dagaalka ka socda deegaanka Lambar-konton ee gobolka Sh/hoose.

C/laahi Sheekh Ismaaciil oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya laga rabo inay maxkamad soo taagto cid waliba oo raad ku yeelata dagaalkii shalay ka dhacay Num-50.

“Ragga dambiilayaasha ah ama taliyaha ciidanka ha noqdo ama ninka aaga qaabilsan ha noqdo, hadii ay dambi ku leeyihiin waxaan jeclaan lahaa in maxkamad lasoo taago oo baaritaan lagu sameeyo” ayuu yiri Xildhibaan C/laahi.

Isaga oo hadalka siiwata Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil wuxuu tilmaamay in goobaha lagu dagaalamay in la geeyo ciidan AMISOM, lagana soo kaxeeyo dhamaan deeganadii lagu dagaalamay ciidanka Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gobalka Shabeelaha hoose ayaa ah Gobal ay ka taagan tahay dhibaato la xiriira isbaarooyin badan oo Gobalkaasi yaala Dowladda Federaalka Soomaaliyana aysan wax ka qaban arintaasi.

Warkii