15-ka Gudoomiye ee gudi hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta cod kalsooni ah loo qaadayo

0
902

xildhibaanadaBarlamaanka20131124_4Iyadoo Baarlamaanka Soomaaliya uu maalmahan ka doodayay mooshin ka dhan ah 15-ka Gudoomiye ee gudi hoosaadyada Baarlamaanka ayaa waxaa saaka lagu wadaa codka kalsoonida loo qaado Gudoomiyeyaasha Gudi hoosaadyada, kuwaasoo muddo sanad ah xilkaas hayay.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xogheynada baarlamaanka ayaa sheegay in afar mudane oo ka hartay mudanayaal is qoray inay ka doodaan mooshinkaas ay maanta hadli doonaan, lana soo gaba gabeynayo dooda.

“Afar mudane oo harsaneyd ayaa maanta hadli doona, waana la soo gaba gabeyayaa dooda, kadib codka kalsoonida ayaa loo qaadi doonaa”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in cod qaadista ay hal mar tahay, isla markaana 15-ka gudoomiye aan mid mid codka loogu qaadeyn, balse si jamac ah loogu qaadayo.

Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sheegay inay jiraan tiro Xildhibaano ah oo soo jeediyay in muddo sanad oo wareegto ah laga dhigo Gudoomiyeyaasha Gudi hoosaadyada Baarlamaanka, si loo dar dar geliyo howlaha Baarlamaanka iyo xeer hoosaadyadiisa.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa leh Gudi hoosaadyo ka kooban 15- gudi, kuwaasoo la xisaabtama hey’adaha dowladda, waxaana gudi walba uu xilsaaran yahay in hey’ad walba howsheeda uu daba galo, lana xisaabtamo.

Jowhar