Xarakada Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday inay xabad joojin kala dhex dhigtay beelihii ku dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii ay shir nabadeed ugu qabatay degmada Buulo Mareer odayaal ka soo kala jeeda labada beel ee dagaalamayay.
Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa sheegay in fara gelin ku sameeyeen dagaal beeleedyadii ka dhacay deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose, ayna u soo baxday in heshiis xabad koojin kala dhex dhigaan labada beelood ee dagaalamayay..
“Shir ka dhacay degmada Buulo Mareer oo ahaa shir dhiig joojin ah oo aan u qabanay beelaha dagaalamayay ee Biimaal iyo H/gidir waxaa ka soo qeyb galay odayaal iyo waxgarad ka soo soo jeeda labada beelood iyo qabaa’ilo kale oo gaarayay boqol xubnood ayaa waxaa labada beelood ay ku heshiiyeen saddex qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen xabad joojin iyo in la kala qaado ciidamada is hor fadhiyay”ayuu yiri Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla
Abuu Cabdalla ayaa sheegay in sababaha ay u soo fara geliyeen dagaalka uu ahaa markii ay arkeen in dagaalka uu saameeyay dadka Soomaaliyeed ee wada dega Gobolka, beero iyo deegaano la gubay, dad la iska dilay iyo cadawga oo ay u arkeen inuu ka faa’ideysanayo sida uu yiri.
Dagaaladii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose ayaa sababay qasaarooyin naf iyo maalba leh, iyadoo dagaaladaas ay ku barakaceen boqolaal qoysas ah, waxaana dagaalada ay saameyn ku yeesheen isu socodka deegaanada Gobolka.
Jowhar