Al-Shabaab oo lagala wareegay waddada isku xirta Qansax-dheere iyo Awdiinle

0
1041

AlshabaabBaraawa2Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan gobolka Baay ayaa la wareegay waddada isku xirta degmooyinka Qansax-dheere iyo Awdiinle ee gobolka Baay.

Guddoomiyha degmada Berdaale Maxamed Isaaq Qare-case ayaa sheegay in waddada oo muhiim u ah isku xirka bulshada gobollada Baay iyo Gedo ay horay u xirtay Al-Shabaab.

Qare-case ayaa tilmaamay in ujeedkoodu uu yahay dib u soo celinta isku socodka dadka deegaanka, isagoo xusay inay ciidanku fariisin cusub ka sameysteen deegaanka Kurtun iyo tuulooyin ku xeeran.

Wuxuu sheegay in xaalad nolol-xumo ay ka jirto tuulooyinka hoos tago Qansax-dheere iyo Awdiinle.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan gobolka Baay ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan degmooyinka gobolka.

Bar-kulan