Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mahamat Saleh Annadif raali gelin ka bixiyay shil sababay dhimasho oo mid ka mid ah gaadiidka AMISOM uu ku galay degmada Shingaani, maalinimadii jimcaha aheyd.
War saxaafadeed ka soo baxay Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Annadif ayaa lagu muujiyay sida uu uga xun yahay shilkaas ay ku dhinteen labada ruux, kadib markii gaadiidka AMISOM uu dar daray.
Shilkan oo dhacay galabnimadii jimcihii taariikhda markii aheyd 20-kii bishan saacada geeska marka ay aheyd 5:45 meel waxooga u jirta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa labada nin ee gaariga jiiray la socday mooto, iyadoo mid ka mid ah uu goobta ku dhintay, halka midka kalena isbitaalka intii loo sii waday uu dhintay.
“Waanu ka xunahay shilkan naxdinta leh, Waxaan ka raali gelineynaa qoyskii ay qasaaraha xooga leh ka soo gaartay dhacdadan”ayuu yiri Danjire Annadif oo intaa ku daray inay socdaan baaritaano wada jir ah oo ay sameynayaan Booliska Soomaaliya iyo AMISOM, si looga fogaado shilalkan ceynkan oo kale mustaqbalka.
Darawalka gaariga kaxeynayay ayaa la sheegay inuu argagaxay, oo uu shook qaaday, sida lagu sheegay war saxaafadeedka ka soo baxay AMISOM.
Xawaaraha sare ee uu ku socdo gaadiidka AMISOM ayaa mararka qaar sababa shilal ceynkan oo kale ah, iyadoo dhowr jeer oo hore sidan oo kale uu gaadiidkooda ku jiiro dad rayid ah.
Ma ahan markii u horeysay ee Gaadiidka qafilan ee AMISOM ay wadooyinka Muqdisho ku jiiraan dad rayid ah, hase ahaatee shilkan ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa oo labo ruux uu mar qudha uu gaadiidkooda jiiro.
Jowhar