Amniga Magaalada Garowe oo si aad ah loo adkeeyay iyo Hub in lala soo galo oo la mamnuucay

0
1205

Garowe20130619Amniga Magaalada Garowe ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo 8-da Janaayo ay ka dhaceyso doorashada Madaxtinimada Puntland oo ay ku loolamayaan musharixiin aad u fara badan, kuwaasoo olole xoog leh ka wada deegaanada Puntland.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sheegay in ammaanka magaalada Garowe aad loo adkeeyay inta lagu guda jiro doorashada Puntland, isagoo soo rogay amaro xaga ammaanka ah oo lagu soo rogay magaalada ilaa 20-ka bisha Janaayo.

Mr Xirsi ayaa sheegay in la sameeyay ciidamo gaar ah iyo gudiyo xaga nabadgelyada, kuwaasoo uu tilmaamay in si gaar ah isaga xil saarayaan sugida amniga, waxaana uu xusay in gudiyada ay ku jiraan qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Ciidamada ammaanka sugaya waxay leeyihiin calaamad gaar ah iyo hogaan, 24-saac ayay magaalada dhexdeeda iyo xaafadaha amnigooda ku xaqiijinayaan, waxaa la shaqeynaya gudiyo arrimaha bulshada”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Nugaal.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa ugu baaqay Musharaxiinta in ay kala shaqeeyaan ammaanka, isla markaana waxaa uu uga digay ilaalada musharaxiinta in si macno la’aan ah ay hubka ugu dhex wataan gudaha magaalada.

Waxaa uu sheegay in la mamnuucay in wax hub ah lala soo galo magaalada, isagoo xusay in amniga guud ee magaalada aad loo adkeeyay, isla markaana ciidamada ammaanka ay habeen iyo maalin ay heegan ugu jiraan sidii ay u baajin lahaayeen falal amni daro ah.

Musharixiin uu ka mid yahay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaada C/raxmaan Faroole ayaa lagu wadaa in sideeda bisha Janaayo ay ku tartamaan doorashada Madaxtinimada Puntland, iyadoo uu jiro khilaaf u dhaxeeya Musharaxiinta iyo Faroole.

Jowhar