Inta la og yahay hal askari ayaa ku dhintay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan xooga dalka oo howl galo roondeyn ka waday degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Sida ay sheegayaan wararka weerarkan ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada oo mudooyinkii u dambeeyay ka waday degmada howl galo hub uruurin ah ayaa la sheegay in rasaas lagaga soo riday guri ku yaal degmada oo rag hubeysan ku sugnaayeen.
Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyay weerarka, isla markaana ay sharciga horkeeni doonaan.
Ciidamada xooga dalka ayaa saldhig leh degmada Caabudwaaq, waxaana ciidamadan ay ka mid ahaayeen ciidankii hore ee Ahlusuna, kuwaasoo dhowaan markii uu degmadaas gaaray Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka lagu biiriyay Ciidamada dowladda.
Degmada Caabudwaaq oo ka mid ah degmooyinka Galgaduud ayaa ah deegaan nabdoon, waxay ka mid aheyd degmooyinkii uu horaantii sanadkan uu booqday Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Jowhar