Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa saakay lagu magacaabay 8 wasiir oo ka tirsan xubnaha wasiirrada ee uu maamulkaasi yeelanayo.
Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar oo warbaahinta u akhriyay dikreetada ayaa sheegay in magacaabista lagu saleeyay nidaamka awood-qeybsiga ee beelaha dega deegaannada hoos taga maamulka Jubba.
Tirada guud ee wasiirrada maamulka ayaa lagu wadaa in la gaarsiiyo ilaa 15 xubnood, iyadoo uu dhowaan madaxweynuhu soo dhameystiri doono tirada hartay.
Afhayeenka ayaa sheegay in uu sidoo kale madaxweynaha magacaabay madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka KMG ah ee Jubba oo loo magacaabay Suldaan Cabduqaadir Maxamed (Luga-dheere).
Waxayna kala yihiin Xubnaha hadda loo magacaabay Mamulka Jubba sidan:
Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Maamulka Jubba ayaa waxaa loo magacaabay Suldaan C/qaadir lugadheere.
1- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Axmed Cabdi Xafiid
2- Wasiirka beeraha Xoolaha iyo kaluumaysiga Maxamed Aadan Jaamac
3- Wasiirka Bulshada Maxamed Ibraahin Maxamuud (Macalin Maxamed)
4- Wasiirka caafimaadka iyo fayo dhowrka Xasan Daahir Yaroow
5- Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Maxamed Nuur Iftiin (Shambala)
6- Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Maxamed Warsame Faarax (Darwiish)
7- Wasiirka maalIyada Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar oo loo yaqaano Abuu Yuusuf.
8- Wasiirka Macdanta biyaha iyo Bii’ada Cabdi Nuur Cali Aadan.
Somaliweyn