Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhowaan uu soo dhameystiri doono xubnaha Maamulkiisa, isagoo ugu baaqay Odayaasha dhaqanka inay soo xulaan xubnaha Baarlamaanka.
Axmed Madoobe oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu soo magacaabayo Golaha Wasiirada Maamulka Jubba, waxaana uu cadeeyay inay diyaarsan yihiin.
“Waxaan dhowaan soo magacaabi doonaa xubnaha Golaha Fulinta, Odayaasha waa inay soo xulaan xubnaha Baarlamaanka, si shaqada loo sii wado”ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.
Mar uu ka hadlayay shirka ka socda magaalada Baydhabo ee Maamul ka kooban lix gobol loogu sameynayo ayuu sheegay inay soo dhoweynayaan cid kasta oo dhisaneysa maamul, iyagana ay ka caawinayaan wixii ay awoodaan sida uu yiri.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan jirin cid ay la dagaalsan yihiin, hadii ay yihiin Maamulka Jubba, waxaana uu ka dhawaajiyay in hadafkooda yahay inay ku wada noolaadaan nabad.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ku qul qulayay magaalada Kismaayo siyaasiyiin iyo dad ka yimid qurbaha, kuwaasoo doonaya inay xilal ka qabtaan Maamulka Jubba.
Jowhar