Sheekh-Axmed-MadoobeHogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Madoobe oo maalmo kahor isagu ku dhawaaqay Xubnaha wasiiradiisa maamulkiisa, ayaa waxaa kasoo horjeestay qaar kamid ah Raggii wax ka saxiixay shirkii Jubooyinka ee Bishii hore ka dhacay magaalada Muqdisho.
Shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabteen, ayay Xubnahaasi kaga hadleen, in xad gudub lagu sameeyay Heshiisyadii la galay.
Iftiin Xasan Baasto oo kamid ahaa Xubnihii wax ka saxiixay Heshiiskaasn islamarkaasna kamid ahaa Ragii sheegtay ineey yihiin M/weynaha Jubaland dagaalkana la galay Axmed Madoobe, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa kasoo horjeestay Xubnaha Wasiirada uu magacaabay Axmed Madoobe.
Iftin Baasto, ayaa sheegay in loo baahnaay marka hore in la dhamaystiro wadahadaladii iyo Heshiisyadii socday.
“Kadib shirka loo tagaayo magaalada Kismaayo, marka uu dhaco wixii kasoo baxo loogu dhiso maamul, oo Umadii iyo dadkii ku dagaalamay lagu kala saarayo laguna mideeynayo, taas ayuu qodobkeena ahaa” ayuu yiri Iftin Baasto oo wareysi siinayay Idaacada VOA.
Iftiin Baasto oo sii hadlay ayaa yiri: “Heshiiska waxa uu ahaa maamulka la dhisaayo inuu yimaado shirka dabadiis, ee ma ahayn inuu maamulka hor maro oo shirka danbeeyo”.
Maamulka KMG ee uu Hogaamiyo Axmed Madoobe, ayaa durbaba wajahaya Mucaaradad xoogan, kadib markii uu ku dhawaqay Xubno kamid ah Golaha wasiirada maamulkiisa.
Midnimo