Baaq ka soo baxay bulshada Benaadiriga ee Dalka Britain

0
960

OdayaashaBanaadirLondon20131210_1Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdishu, Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) wuxuu soo saaray amar lagula wareegayo guryaha ku burburay dagaalladii sokeeye ee ku yaal Degmooyinka Shingaani iyo Xamar weyne.

Amarkaas oo uu baahiyey Cabdikaafi Hilowle Cusmaan Xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir, wuxuu sheegayaa; “Milkiilayaasha iska leh guryaha burbursan ee ku yaalla Xamar weyne iyo Shingaani, haddii ay dhisan waayaan muddo saddex bilood gudahood ah waa lagala wareegayaa.”

Haddaba markii warkaas dareenka leh uu soo gaaray bulshada reer Banaadir ee ku nool dalka Britain, waxaa 8dii bishan isugu yimid kulan ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen Aqoonyahan, culumo, odayaal, haween, dhalinyaro iyo dad kaloo asal ahaan ka soo jeeda Degmooyinka Shingaani iyo Xamar weyne.

Bulshada reer Banaadir iyo waxgaradkooda wada kulmay, kala war-qaadasho iyo dood dheer oo ay ka yeesheen arrintaas kaddib, waxayna isla guddoonsadeen qodobadan:-

  1. Waxay sida ugu adag, ugu culus u cambaareynayaan ujeedada qalddan ee lagu banaysanayo in hantida dadka la dhaco iyadoo la adeegsanayo awoodda Maamulka Gobolka Banaadir.
  2. Dawladda Soomaaliyeed – Xukuumad, Madaxweyne iyo Baarlamaanba waxaan ugu baaqaynaa in la joojiyo ujeeddooyinka sababaysiga looga dan leeyahay in lagula wareego goobaha istaraatiigga ah, xuddunta u ah magaalada Muqdisho. Kuwaas oo dadkii lahaa maanta badankood dalka ka maqan  yihiin, kalsoonidii ay dib ugu soo noqon lahaayeenna ayan weli dhamaystirnayn.
  3. Maamulka Gobolka Banaadir iyo guud ahaan hey’adaha kala duwan ee dawladda, marka hore waa in ay abuuraan xaaladdii iyo duruuftii dadka u suurtogelin lahaa in ay si kalsooni leh dalkooda ugu soo noqdaan, qof walbana hantidiisii si xor ah, cabsi la’aan, cid ka xoogaysana ayan jirin, uu ku heli karo, kuna dayac-tiran karo. Waxaa weli maanta xoog lagu haystaa hantidii shacbigu lahaa iyo tii Dawladda, oo ay ugu horreeyaan Shingaani iyo Xamar weyne.
  4. Inta duruuftaas ay maqan tahay, amar kasta oo Duq-magaalo ka soo baxa, waxaan u arkaynaa mid aan daacad laga ahayn, bulshada reer Banaadirna waa in ay ka dhiidhiyaan, oo ka horyimaadaan in lagu sameeyo dulmi caynkaas.

Soo jeedin

Iyadoo loo fiirinayo in Muqdisho tahay magaalo madaxdii dalka Soomaaliya, burbur iyo colaad sokeeye oo baaxad lehna uu ku dhacay dhismayaalkeedii, qurxdeedii iyo goobaheedii taariikhiga ahaaba, ayaan waxaan soo jeedinaynaa in si masuuliyadi ku jirto looga fekaro sida Muqdisho ugu soo noqon lahayd maqaamkeedii taariikhiga ahaa iyo bilicdii ay lahayd.

Sidaas darteed, waxaa noo muuqata baahida loo qabo in la abaabulo ‘Conference’ gooni u ah dib u dhiska iyo soo kabashada Muqdisho, ayna ka soo qaybgelayaan khubarada iyo xeeldheerayaasha xagga dhismaha iyo quruxda magaalooyinka iyo kuwa ilaalinta aathaarta qadiimiga ah.  Muqdisho, halka ay maanta joogto, way u baahan tahay in shirkaas loo qabto

 

Caddaaladdu ha noolaato.