Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maanta xarunta golaha Shacabka ay ku kulmaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ajandaha kulanka uu yahay akhrinta koowaad hey’adda cilmi baarista badaha, iyo akhrinta koowaad ee qaxootiga iyo barakacayaasha.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in ajandaha maanta ay heystaan waraaqahoodii horeyna loogu qeybiyay kuwa aan heysanin waxa uu tilmaamay in maanta loo qeybin doonaan.
Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in kulanka maanta in xildhibaanada is qora ay ka doodi doonaan labadani ajanda ee baarlamaanka dalka.
Howlahani ayaa ka mid ah howl maalmeedka baarlamaanka Soomaaliya ay ku xoojinayaa waajibaadka Qaran oo ay u dhaarteen, waxaana baarlamaanka dalka uu yahay mid daba gal ku sameynaya hey’adaha kala duwan ee dowladda qaabka ay u shaqeeyaan, iyagoo qaab sharci ah u meel marinaya barnaamijyada la horkeeno.
Radio Muqdisho