Baarlamaanka oo laga codsaday ansixinta sharciga hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha

0
925

QaxootiDhadhaabWasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mahdi Maxamuud Cali ayaa ka codsaday golaha baarlamaanka inuu ansixiyo hindise sharciyeedka hay’adda Qqxootiga iyo barakacayaasha qaranka.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in ay badan tahay tirada qaxootiga Soomaalida ee ku barakacay waddamada goblka, kaddib dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay wixii ka dambeeyay sanadii 1991.

Mahdi ayaa xusay in la gaaray waqtigii waddanka dib loogu soo celin lahaa qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha qaxootiyada ee waddamada Kenya, Uganda iyo Yemen, si meesha looga saaro culayska qaxootiga Soomaalida ay ku hayaan waddamada deriska.

Wasiiru dowlaha waxa uu sidoo kale sheegay in ay badan yihiin dadka ku barakacay gudaha waddanka, isla markaana loo baahan yahay in laga saaro dhibaatooyinka haysta dadkaas.

Mudanayaasha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayuu ka hor akhriyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka, taas oo uu ku tilmaamay in tahay mid lagama maarmaan ah.

Baarlamaanka ayaa Sabtidii shalay guda galay akhrinta hindishe sharciyeedka ay soo gudbisay wasaaradda.

Bishii la soo dhaafay ayay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya iyo hay’adda qaxootiga UNHCR, heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya, kaas oo dhigayay in dalka dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Bar-kulan