Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta si rasmi ah u furay kulan lagu magacaabay (Guuxa Dadweynaha) oo loogu talagalay inuu baarlamaanka ku dhageysto aragtiyada dadweynaha.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen xildhibaanno, qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa dadkii ka qeyb galay waxay su’aalo ku waydiiyeen guddoonka baarlamaanka.
Ka qeyb galayaashu waxay dhaliileen waxqabadka guddiyada arrimaha bulshada, dib-u-eegista dastuurka iyo garsoorka, waxayna talo ku soo jeediyeen arrimaha soo socda: In xildhibaannada iyo guddoonka baarlamaanka ay si degdeg ah ugu kuurgalaan dagaallada ka socda gobollada Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan, in laga wada shaqeeyo la-dagaallanka qabyaaladda iyo inay badiyaan la socodka baahiyaha dadweynaha.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa tilmaamay in ujeedka baarlamaanka uu yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho sanadka 2016, isagoo rajo ka muujiyay in xildhibaannada beddeli doona kuwa hadda jooga ay noqon doonaan kuwo ay dadweynaha soo doortaan.
Golaha Shacabka ayaa 25-kii November ansixiyay in bishiiba mar la qabto kulanka Guuxa Dadweynaha oo lagu dhageysanayo aragtida shacabka.