Beeraleyda bariga Sanaag oo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in laga gacan siiyo tabcashada beerahooda

0
2592

GrasshopperInPuntlandWaxaa dhawaan deegaanada Bariga gobolka Sanaag ee Puntland soo gaaray raxan anyax ah oo dhibaato xoogan u geystay beeraleyda iyo xoolo dhaqatada deegaanadaasi, iyadoo cayayaanka anyaxa ah xiliyada qaar ee barwaaqada ah lagu arkaa deegaanada Soomaaliya.

Dadka beerahooda ay baabi’iyeen cayayaanka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay khasaaro xoog leh in kala kulmeen cayayaanka gaar ahaan raxan anyax ah oo ay tilmaameen in beerahooda ay baabi’iyeen ayna u baahan yihiin in la caawiyo.

Dadkani ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay ka gacan siiso xoojinta wax soo saarkooda iyo in laga taageero ka hortaga cayayaanka baabi’inaya beerahooda waqtiga ay galiyaan, waxaana ay sheegeen beeraleydaasi in ay sii wadayaan tabcashada beeraha oo uu dalka hodanka ku yahay.

Anyaxa ayaa mararka qaar dhibaato khasaaro u geysta beeraleyda Soomaaliyeed ee wax ka soo saarata deegaanada iyo degmooyinka dalka.

Radio Muqdisho