Booliska magaalada New York ayaa warbixin ay soo saareen waxay ku sheegeen inay hayaan xog ku saabsan in kooxdii bishii September ee sanadkaan weerartay suuqa West gate ee Nairobi inay kuligood wada baxsadeen oo aysan jirin cid la qabtay ama la dilay.
Warbaahinta dalka Maraykanka oo warkaan si guud u hadal haysa kana soo xigaynaysa booliska New York ayaa waxaa lagu sheegay in kooxdii weerarka ku qabsatay suuqa Westgate ay dhamaan ka baxsadeen dalka waxaana ay boolisku daliilsanayaan in kooxdaas ay kasoo muuqdeen kaamirooyinkii suuqa ku xirnaa saacadihii ugu dambeeyay ee suuqa ciidamada Kenya gudaha u galayeen.
Warbixintaan waxaa lagu sheegay in kooxdii Al-Shabab ka tirsanaa ay dalka Kenya ka baxeen ayagoo bad qaba loona malaynayo inay dhanka Soomaaliya usoo gudbeen sida warkaan lagu yiri.
Shir jaraa’id uu warbaahinta u qabtay taliyaha booliska New York Ray Kelly ayaa waxaa uu sheegay in baaris ay sameeyeen ay ku ogaadeen in weerarkaasi oo ay fuliyeen 4 dagaalame oo Al-Shabab ka tirsan ay suuqa ka baxeen saacaidihii ugu dambeeyay maalintii,aad ee suuqaas uu gacanta dawlada galay, waxaana uu intaa ku daray in williba qaarkood ay hubkoodii la baxsadeen.
Sargaalkaan waxaa uu sidoo kale beeniyay warar horey la iskula dhexmaray oo ahaa inkooxda weerarka qaaday ay hogaanminaysay haweeney u dhalatay dalka Ingiriiska hase ahaatee Al-Qacida ka tirsan waxaana uu yiri “Haweeneyda la yiraahdo Carmasha Cad marnaba ma aysan galin gudaha suuqa West gate”.
Dawlada Kenya horey waxay ugu faantay inay wada laysay kooxdii suuqaas xooga ku qabsatay dabayaaqadii bishii September ee sanadkaan inkastoo ay la kulantay fadeexad ah in ciidamada Kenya bililoqaysteen suuqaas.
Maraykanku waxaa uu ka mid ahaa dawladihii Kenya u diray xubno sirdoon ah oo dawlada Kenya ku gacan siinayay baarista weerarkaasi oo khasaaro badan oo naf iyo maalba leh.
Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka aas aasan ayaa weerarkaasi sheegtay waxaana ay u sababeeyeen ciidamada Kenya Soomaaliya ka jooga.
Somaliweyn