Booliska Dalka Kenya oo Soo Bandhiga Sawirka Wiil Soomaali ah oo lala xiriirinayo Qaraxii Sabtidii Nairobi Lagula Beegsaday Gaari BL ah

0
883

QaraxNairobiCiidamada Booliska ee dalka Kenya ayaa shalay galinkii danbe soo bandhigay sawirka wiil soomaali ah oo lala xiriirinayo qaraxii maalintii sabtida xaafada Bangaani ee magaalada Nairobi lagula eegtay gaari BL ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah oo isugu jira soomaali iyo Keenyaan.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay 6 qof waxana ku dhaawacmay 30 kale.

Booliska ayaa soo saaray waraaq lagu soo xirayo Wiilkan Soomaaliga ah oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Nuur Maxamed,da,diisana ay tahay 21jir.

Taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Nairobi Benson Kibuyi ayaa sheegay in ay doonayaan in ay su,aalo weeydiiyaan wiilkan soomaaliga ah ka dib markii baaritaan lagu sameeyay qaraxaasi uu muujiyay in uu ku lug lahaa.

Xuseen Nuur Maxamed ayaa dhowr bilood ka hor waxaa lagu sii daayay damaanad ka dib markii maxkamad loo soo taagay falal la xiriira argagixisinimo.

Booliska ayaana wali kala cadeeyn in qaraxa lala beegsaday gaariga Blka ah uu ahaa mid lagu tuuray ama in uu ahaa mid gaariga la sii dhex dhigay.

Radio Muqdisho