Taliska booliska magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno la xiriira qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo makhribnimadii Sabtida ka dhacay meel u dhow saldhigga booliska Pangani ee magaalada Nairobi.
Taliyaha booliska magaalada Nairobi Benson Kibui oo shir jaraa’id qabtay qaraxa kaddib ayaa sheegay in boolisku ay samaynayaan baaritaanno arrinta la xiriira, si loo helo caddeymo muujinaya sababta iyo cidda ka dambaysa qaraxaasi.
Booliska ayaa xaqiijiyay geerida afar qof iyo dhaawaca in ka badan 30 ruux, oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga.
Waxaa sidoo kale ay boolisku sheegeen in ilaa 36 qof la dhigay isbitaallo kala duwan oo ku yaalla magaalada Nairobi.
Qarax ayaa lala eegtay gaari nooca dadweynaha ah oo marayay inta u dhexeysa saldhigga booliska ee Pangani iyo xaafadda Soomaalidu degto ee Eastleigh.
Bar-kulan