Shacab taaagersanaa talaabadii ay qaadeen xildhibaanada ayaa saaka lakala eryay iagoo rabay inay dhigaan banaanbax taageeradooda ay ku muujinayaan.
Amar la sheegay inuu ka soo baxay taliyaha nabad sugida Bashiir Goobe ayaa lagu kala raacdeeyay dadkaasi kuwaasoo isugu soo baxay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa tilmaamaya in dibad baxayaasha ay amar ka haysteen Taliska Boliiska balse amarka danbe ee nabad sugida ka soo baxay lagu kala eryay dadkaasi iyadoo taliye Bashiir goobe uu ku sababeeyay amni in amni daro ay keeneyso isu imaadka nuucaani.
isu soo baxyaaasha oo ka careysan amarka taliska nabad sugid ayaa meesha ka kala dareeray madaama lagu amrey inay kala tagaan islamaraana aan la ogoleyn wax banaan bax oo halkaas ka dhaca.
Doraad ayay ahayd markii xildhibaanada Soomaaliyeed ay kalsoonida kala laabteen xukuumada Ra’iisulwasaare saacid taasoo iminka lagu wado in lagu badalo xukuumad cusub.
Somaliweyn