Ciidamo Ethiopian ah oo gaaray Baydhabo

0
976

CiidamadaItoobiyaCiidamo aad u hubeysan oo Ethiopian ah ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Baay.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Baay Shiine Macallin Nuurow ayaa u xaqiijiyay Bar-kulan in ciidamada ay fariisin ka sameysteen koontaroolka magaalada iyo dhinaca Maanyo-fuulka, gaar ahaan agagaarka warshaddii hore ee Xaseey ee ka soo horjeedka hotel Bakiin ee duleedka magaalada.

Ciidamo Ethiopian ah ayaa horay u joogay qeyb ka tirsan gobolka Baay, hase yeeshee ciidamada maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa la sheegay inay ka yimaadeen gudaha dalka Ethiopia.

Cutubyo ka tirsan ciidamadii maanta tagay Baydhabo ayaa la sheegay inay u dhaqaaqeen jidaha degmada Qansax-dheere, iyadoo lagu warramayo in qorshaha uu ayahay in toddobaadka ugu horreeya sanadka cusub ay gobollada Baay iyo Bakool ka saaraan maleeshiyada al-Shabaab.

Qansax-dheere iyo Bardaale waxaa ku sugnaa ciidamo Ethiopian ah, waxayna kuwa cusub ee gobolka tagay ay u muuqataa in lagu xoojinayo kuwa horay u joogay.

Bar-kulan