Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo si nabad kula wareegay deegaanka Nambar 50

0
912

Ciidamadaxooga2Wararka ka imaanaya deegaanka Nambar 50 ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ku hubeysan 11-gaadiidka dagaalka ay saakay waabarigii hore gaareen deegaankaas, iyadoo maleeshiyadii deegaanka ee horay ugu sugnaa ay isaga baxeen.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa ka mid ah dhinac ka mid ah dhinacyadii maalmahan ku dagaalamayay Gobolka Shabellaha Hoose, iyagoo si nabad kula wareegay deegaanka.

Gudoomiyaha deegaanka Nambar 50 C/llaahi Waafow ayaa sheegay inay isaga baxeen deegaanka, isla markaana ay ku howlan yihiin abaabul ku aadan sidii deegaanka ay dib ugu laaban lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo ka tirsan dowladda, hase ahaatee ay yihiin beel, sida dadka deegaanka xaqiijiyeen, iyadoo xaalada deegaanka Nambar 50 ay degan tahay, balse ay jirto cabsi ku aadan in dagaalo ay dhacaan.

Dagaalo labadii maalmood ka dhacayay deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose oo u dhaxeeyay beelaha Biyamaal iyo H/gidir ayaa ka dhashay qasaare xoog leh oo dhimasho iyo dhaawac, iyadoo wali xiisado ay ka taagan yihiin deegaanadii lagu dagaalamay.

Deegaanka Nambar 50 ayaa waxaa uu dagaal ka dhacay bil ka hor, inkastoo markii dambe wafdi wasiiro iyo xildhibaano oo tagay deegaanka ay kala dhex galeen labadii ciidan ee dagaalamay.

Xiisadaha colaadeed ee ka taagan Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo ay salka la galayaan arrimo siyaasadeed oo ay labada dhinac oo dowladda Soomaaliya ka mid ah ay wada hurinayaan colaada.

Jowhar