Ciidamo Milatari ah oo lakala dhex dhigay Beelihii ku dagaalamay Jowhar

0
849

BakoolCiidanDowladaWasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya, ayaa Ciidamo Milatari ah kala dhex dhigtay Maleeshiyo Beeleedyo horay ugu dagaalamay Duleedka Magaalada Jowhar.

Ciidamada ayaa la geeyay labo deegaan oo lagu kala magacaabo Keliga Goomey iyo Sabuun, si ay u sugaan ammaanka boqolaal qoys oo ka soo barakacay tuulooyinka bari ee Jowhar dagaaladii ka dhacay.

Labada beelood ee ku dagaalamay daanta bari ee magaalada Jowhar ayaa maalmo ka hor la kala dhex dhigay xabad joojin iyo heshiis, waxaana lagu guuleystay in la kala qaado maleeshiyaadkii is hor fadhiyay.

Boqolaal qoys oo ku soo barakacay xero Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa qorshuhu yahay in qoysaskaas dib loogu celiyo deegaanadooda, isla markaana la sugo amnigooda.

Doowlada Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu eedeeyay ineey ka jiifatay sidii ay dib u heshiisiin dhaba u kala dhex dhigi lahayd Beelahaan ku dagaalamay Shabeelada Dhexe oo iyagu dagaalkoodu soo noq noqday marar farabadan, waxaana ku dhintay shacab aad u farabadan Tuulooyina waa lagu gubay.

 

Warkii