Saraakiisha nabad-gelyada gobolka Baay ayaa ka hadlay howlgallo ay ciidamada ammaanku ka sameeyeen gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Taliyaha ciidamada booliska gobolka Baay Col. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in howlgallada lagu soo qabtay ilaa 400 oo ruux, oo u badan dhallinyaro, kuwaas oo looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin maleeshiyada Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkaasi laga sii daayay xabsiga, kaddib markii lagu waayay wax caddaymo ah, halka kuwo kalena ay weli baaqi ku yihiin saldhigga booliska Baydhabo, si baaritaanno dheeri ah loogu sameeyo.
Col. Mahad oo la hadlay dadkii lagu soo qabtay howlgallada ayaa sheegay in ujeedku uu yahay sidii loo sugi lahaa amniga iyo nabad-gelyada gobolka, isaga oo digniin u jeediyay cid kasta oo isku dayaysa in ay khal khal geliyaan ammaanka.
Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobollada Baay, Bakool iyo Gedo, Gen. Ibraahim Yarow oo isaguna la hadlay dadka lagu soo qabtay howlgallada ayaa sheegay in qof walba looga baahan yahay in uu nabadda ka shaqeeyo.
Shacabka magaalada Baydhabo ayay ugu baaqeen in ay ciidamada kala shaqeeyaan amniga iyo nabad gelyada.