Cisbitalka Jaamacada Soomalia ayaa ku guuleystey qalliin lagu sameeyay ilmo yar oo madaxa biyo kaga jireen, kaasi oo in muddo ah xalaadiisa caafimaad dalka wax looga qaban waayay.
Qalliinka oo qaatay muddo saacad ah ayaa waxaa fuliyay Dr. Ceydiid Cabdi Kaahiye kaas oo ku guuleystay in uu hagaajiyo dhibaatadi keentay in madaxa ay biyo uga furmaan ilmahaasi yar.
Madiino C/qaadir oo ah hooyada dhashay wiilka yar ayaa sheegtay in wiilkeeda uu jiro Lix bilood islamarkaana ay ku faraxsantahay in xaalada canugeeda wax looga qabtay dalka wuxeyna u mahadcelisay Dr. Ceydiid oo ah dhaqtarkii Fuliyay Qalliinkaasi.
Dr. Ceydiid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu dalka u yimid in uu fuliyo qaliinkaasi, maadaama uu wax usoo bartay shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan, wuxuuna wacad ku maray inuu sii wadi doono caawinta dada iyo dalkiisa Soomaaliyeed.
Radio Muqdisho