Cod u qaadista raysul wasaaraha oo dib loo dhigay

0
896

xildhibaanadaBarlamaanka20131124_1Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa caawa sheegay in Sabtida soo socda uu codka kalsoonida u qaadi doono raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xoghayaha guud ee baarlamanka Soomaaliya, Cabdikariim Xaaji Cabdi (Buux) ayaa warbaahinta u sheegay in arrimo farsamo dartood dib loogu dhigay cod u qaadista raysul wasaaraha.

Waxaa lagu waday inuu raysul wasaaraha hor tago baarlamaanka berri oo Arbaco ah.
Sabtida soo socota waxay bisha December ku beegan tahay 21.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 12-kii December, 2013, xilka raysul wasaaraha u magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuuna beddelay raysul wasaarihii ka horreeyay Cabduqaadir Faarax Shirdoon oo waayay codka kalsoonida ee baarlamaanka muddo sanad ah oo uu xilka hayay kaddib.

Bar-kulan