Madaxweynaha waqtigiisa dhamaanayo ee Puntland ahna Musharaxa u taagan xilkaas C/raxmaan Faroole ayaa weerar afka ah ku qaaday Musharax C/wali Maxamed Cali Gaas, isagoo ku eedeeyay inuu lugooyo u keenay Puntland.
“Nin aan aniga ugu wacnaa inuu qabto xil dowladeed, hal sano shaqo dowladeed soo qabtay ayaa lugooyo noo keenay, wuxuu ku ciyaaray magaca dowladnimadii, lugooyo ayuu noo keenay, wuxuu isku diray Isimadii Puntland, Dastuurkii ayuu qal qal geliyay”ayuu si kulul u yiri C/raxmaan Faroole.
Faroole ayaa ku tilmaamay been ku tilmaamay hadal uu sheegay inuu yiri C/wali Gaas, kaasoo ahaa inuu Burcad badeedka ka sifeeyay deegaanada Puntland.
“Waryaa Burcad badeed halkan ka sifeeyay C/wali iyo C/raxmaan”ayuu yiri Faroole oo hadalkan weydiiyay taageerayaashiisa mar uu kula hadlayay Garowe, isagoo is weydiiyay wax uu qaban karo C/wali oo aan ka aheyn dhaqaale.
“Macalin Jeeso wax ku dhiga ayuu ahaa, dhaqaale waa bartay waa u qirsanahay, laakiin waxba kama qaban karo halkan”ayuu yiri Madaxweyne Faroole oo tix gabay tiriyay.
Musharax C/wali Gaas ayaa horay ugu eedeeyay Maamulka Puntland uu madaxda ka yahay C/raxmaan Faroole, waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay in Puntland mar walba ay madax u noqdaan wax uu ugu yeeray Aal-kuliiste iyo burcad badeed.
Jowhar