Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada XDS Oo Howlgallo Ka Wada Deegaanno Ka Tirsan Degmada Bardaale

0
867
Markacadeey.com

Markacadeey.comMaamulka degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa ka warbixiyay howlagal ay ciidamada XDS ka wada deegaanno ka tirsan degmadaasi, kuwaasi oo ku raadjooga haraadiga maleeshiyaadka kooxda Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Bardaale ee G/Baay Maxamed Isaaq ayaa Radio Muqdisho u sheegay in cutubyo ka tirsan ciidamada XDS ay howlgallo ka dhan ah kooxaha argagixisada shabaab ka wadaan deegaanno hoos yimaada degmadaasi.

Maxamed Isaaq gudoomiyaha degmada Bardaale oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ujeedada howlgalkaasi uu yahay mid lagu xaqiijinayo amaanka islamarkaana deeganada hoos yimaada degmadaasi looga sifeynayo kooxaha nabad diidka ah ee ku dhuumaaleysanaya deegaanno hoos yimaada degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in howlgalkaasi lagu soo qabtay kooxo ka tirsanaa argagixisada in kastoo uusan cayimin tiradooda wuxuusa carabka ku adkeeyay in howlgalku uu weli sii socdo.

Ciidamada XDS oo mararka qaar gacan ka hela kuwa AMISOM ayaa maleeshiyaadka Argagixisada ah ee shabaab ka xoreeyay inta badan gobolada dalka, iyagoo haatana ku raadjooga maleeshiyaadkaasi si ay dalkeena uga dhigaan meel ka caaggan argagixisada.