Dab ka kacay xerada Ifo ee dalka Kenya

0
1121

QaraxMuqdisho20130712_2Dab xoogani ee xalay ka kacay xerada qaxootiga Ifo ee dalka Kenya iyadoo khasaara xoog leh uu ka soo gaaray dabkaasi dad badan Soomaali ah oo qaxooti ku ah xeradaasi, waxaana la sheegay in dabka uu ka kacay bartamaha suuqa xeradaasi gaar ahaan suuqa xoolaha lagu iibiyo.

Dabka ayaa la soo sheegayaa in uu kacay koronto dabka dhalisa waxaana ku basbeelay dabkaasi in ka badan 80 dukaan maadaama dukaamada ay isku dhowyihiin oo khasaaraha uu badanayo marka dabka noocaan oo kale ah uu ka kaco.

Xeradaasi ayaanan laheyn gawaarida loo yaqaano dab damisyada ee ka qeyb qaata daminta mararka dab uu ka kaco halkaasi, waxaana saakay dadka ku dhaqan xerada Ifo ay la amakaagsan yihiin dabkii xalay.

Xeradaasi Qaxootiga ee Ifo ayaa waxaa ku nool dad aad u fara badan oo Soomaali ah kuwaa oo ka cararay dagaaladii iyo bur-burkii Soo maray dalka, waxaana dadkaasi mararka qaar ay la kulmaan caqabado ka hor imaanaya, walow waayihii ugu danbeeyay dalka ay ku soo noqonayeen dadka mudada badan ka maqnaa dalka oo qaxooti ku ahaa wadankaasi Kenya.

 

Radio Muqdisho