Rag hubeysan ayaa duleedka magaalada Muqdisho waxay saaka ku dileen afar dhaqaatiir oo saddex ka mid ah ay u dhasheen dalka Syria, kan kalena uu Soomaali ahaa kaddib markii ay rasaas ku fureen gaarigooda.
Labo ka mid ahaa ilaaladooda ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka, halka dhaqtar kale oo Syrian ah iyo mid Soomaali ah ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.
Dhaawacyada ayaa loola cararay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Dhaqaatiirta ayaa xilliga uu dhacay weerarka u socday isbitaalka Fiqi oo ay ka howlgali jireen, kaas oo ku yaalla xaafadda Xayaat ee deegaanka Ceelasha Biyaha ee degmada Afgooye.
Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in ragga hubaysan ay wateen gaari, waxayna ku hor gooyeen gaariga siday dhaqaatiirta, kaddibna waxay billaabeen inay rasaas ku furaan gaariga.
Ma jirto cid ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Meydadka lixda qof ee lagu dilay weerarka ayaa sidoo kale la geeyay isbitaalka Madiina.
Ma ahan markii ugu horreysay ee la dilay howlwadeenno ka tirsanaa isbitaalka Fiqi.
Dabayaaqadii July oo ku beegnayd bishii Ramadaan ayaa koox hubeysan oo aan la garanayn waxay dil ugu geysatay deegaanka Ceelasha Biyaha agaasimihii isbitaalka Fiqi Dr. Cismaan Cabdiraxmaan Fiqi oo ay walaalo ahaayeen taliyihii hore ee ciidanka nabad sugidda qaranka, Axmed Macallin Fiqi.