Dagaal beeleed mar kale ka soo cusboonaaday Gobolka Shabellaha Hoose

0
873

Ciidamadaxooga2Wararka ka imaanaya deegamada Awdheegle ayaa sheegaya in dagaal labo beelood u dhaxeeya uu ka socdo deegaano ka tirsan degmadaas, iyadoo dagaaladan ay salka ku hayaan kuwii dhowaan ka dhacay deegaanka Nambar 50 iyo deegaano kale.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamo ka tirsan dowladda oo hab beeleed u dagaalamaya, iyadoo dagaalka saaka uu ka socdo Tuulooyinka Gumeysi-diid iyo Ibutey oo ka tirsan deegaanka Awdheegle.

Gudoomiyaha deegaanka Awdheegle Maxamed Abuukar Aweys ayaa sheegay in dagaalka uu shalay bilowday, saakayna dib u soo cusboonaaday, waxaana uu intaa ku daray in ugu yaraan lix ruux ay ku dhinteen, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Gudoomiyuhu ayaa nasiib daro ku tilmaamay in labada dhinac ay gurmadyo ciidan kala helayaan, kuwaasoo ah ciidamo ka tirsan milateriga oo wata tuutaha ciidan ee lagu yaqaan, waxaana uu ugu baaqay in dowladda soo fara geliso.

Dhinaca kale Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku eedeeyay Maamulada degmooyinka Afgooye iyo Marka inay ka dambeeyaan dagaalada soo cusboonaaday, ayna hurinayaan colaada ka jirta Gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore kala dhex gashay labada dhinac ee dagaalamay, iyadoo bilo ka hor lagu heshiisiiyay beelo ku dagaalamay deegaano u dhaxeeya Marka iyo Afgooye, hase ahaatee uu heshiiskaas bur bur ku yimid.

Jowhar