Dagaal Khasaaro sababay oo ka dhacay Magaalada Beydhabo

0
919
Markacadeey.com

Markacadeey.comWararka aan ka heleyno Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa ku soo warramaya in Xalay dagaal u dhexeeysa Ciidamada dowladda iyo Xarakada Al Shabaab uu ka dhacay Magaaladaasi.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Xaafad lagu Magacaabo Suuqa Xoolaha oo ka tirsan Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, waxaana dagaalka intii uu socday la isugu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan kaasi oo la sheegay in uu geystay khasaaro balse aan la cayimin xadigeeda.

Dagaalka kadib ayaa Kooxihii ka tirsanaa Al Shabaab ee soo weeraray Fariisimayaasha Ciidamada dowladda ee Magaaladaasi Beydhabo waxa ay dib isgaa baxeen halkii dagaalka uu ka dhacay iyadoona durbaba Ciidamada dowaladda ay halkaasi Howl gallo ka billaabeen.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ka geysata Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay kuwaasi oo ay ku qaadaan Baraha Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Magaaladaasi.

Shaabelle