Wararkii ugu dambeeyay dagaalada ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose

0
885
Markacadeey.com

BakoolCiidanDowlada

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaalo culus oo maalintii labaad ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo dagaaladan uu u dhaxeeyo ciidamo dowladda ka tirsan oo hab beel u dagaalamaya.

 

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa xoogeystay duhurnimadii maanta, markii deegaanka Busley oo ku dhow degmada Janaale laga maqlayay hub culus oo la isu adeegsanayay.

 

Dadka deegaanka ayaa ka barakacay deegaanada dagaalada saameeyeen oo ah deegaano leh dhul aseendooyin beero ah, wararka ayaa sheegaya in gaadiidka dagaalka ay ka qeyb qaadanayaan dagaalada.

 

In ka badan 10-ruux ayaa ku dhimatay dagaalada oo ay ku jiraan dhinacyada dagaalamaya iyo dad rayid ah, waxaana la soo wariyay in rasaasta habowga ay ku dhaxeyso xoolo isugu jira Ari iyo Lo’, kuwaasoo gaarayay kontameeyo.

 

Dhaawacyada tobanaan ruux ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Marka, kuwaasoo isugu jira dad rayid ah iyo mid ka mid ah dhinacii dagaalamayay.

 

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalada, iyagoo ka codsaday dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Talisyada ciidamada inay si deg deg ah u kala dhex galaan.

 

Colaadaha soo noq noqday ee ka jira deegaanada Shabeelooyinka ayaa salka ku haya murano dhuleed oo beelo wada dega isku hayaan, waxaana dhowr jeer uu fashil ku yimid heshiisyo la kala dhex dhigay dhinacyada wada dagaalamay.