Sida Goob Joogayaal ay ugu warrameen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho dagaallo iyo Qaraxyo ayaa xalay waxa ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho.
Dagaaladani oo ka dhashay weeraro ay Fariisimayaal Ciidanka dowladda y ku leeyihiin qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ku soo qaadeen Dagaalyahannada Ururka Al Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay ahaayeen kuwa aad u culus.
Meelaha Dagaaladu ay ka dheceen ayaa waxaa ka mid ah Xaafadaha Jiiro Garoob ee degmada Yaaqshid , Saldhiga isla degmada Yaaqshid iyo Xaafadda S/Xoolaha ee degmada Heliwaa.
Xiriiro aan la sameynay Masuuliyiinta iyo Saraakiisha labada degmo ayey ka gaabsadeen in ay wax faah faahin ah ka bixiyaan Dagaaladaasi balse dad deegaanka ah ayaa inoo sheeay in dagaalka kadib ay xaafadaha lagu diriray ay gaareen Ciidamo aad u badan oo kuwa Nabad Sugida dowladda ah.
Dhanka kale Qarax bambaano ayaa xalay lagu weeraray Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.
Inkastoo aan la soo sheegin Khasaaraha Qaraxaasi hadana waxaa wararku sheegayaan in gacanta lagu soo dhigay Kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi bambaano oo saarnaa gaari Mini Bus ah oo wadada Hoteelka hor marta xilligaas socday.
Dhammaan dadkii gaariga saarnaa ayaa la sheegay In Ciidamada Ammaanku ay qabteen oo hadda ay ku jiraan Xarunra Dambi Baarista dowladda ee loo yaqaan C.I.D halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.
Si kastaba Xaaladda Magaalada Muqdisho oo xalay dagaallo iyo dilal ay ka dhaceen ayaa saaka ah mid degan waxaana meelihii ay wax ka dheceen saaka lagu arkayaa Ciidamo dhaq dhaqaaqyo iyo Howl gallo ka wada.
Shabelle