Dagaallo xalay ka dhacay Magaalada Kisamayo

0
1023

Kismayo20130608Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay ku warramayaan in xalay dhowr Xaafadood oo ka tirsan Magaaladaasi Laga Maqlay isku dhacyada Ciidamada Maamulka gacanta ku haya Kismaayo.

Weli Ma jiraan wax hadal ah oo Maamulka iyo Saraakiisha Nabad Gelyada ay uga Warbixiyeen iska Hor’imaadyadaasi Xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka ku dhexmaray dhowr Xaafadood oo ka tirsan Magaalada Kismaayo.

Dad Goob Joogayaal ah oo ku sugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Shabelle u sheegay in xalay dhowr Xaafadood oo Magaalada ka tirsan laga Maqlay isku dhacyo u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan kuwa Maamulka kuwaas oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay inkastoo aan si Rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha.

Isku dhacyada ayaa saameyn ku yeeshay Dhowr Xaafadood oo ka tirsan Magaalada Kismaayo kuwaas oo xittaa la sheegay in Isgaarsiinta ay ka go’day inta isku dhacyadu socdeen.

Xiriiro Shabelle ay la sameysay Maamulka Magaaladaasi Kismaayo iyo Saraakiisha ku sugan Magaaladaasi ayaan suura gelin si aan wax uga weydiino sababaha dagaaladaasi iyo khasaarihii ka dhashay.

Shabelle