Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa ugu baaqay Gancsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya in ay ka qeyb qaataan dhismaha safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi oo laba sano ka hor lagu soo celiyay gacanta Dowladda Soomaaliya.
Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa waxa uu sheegay dhismahaasi in ay ku baxeyso 4 milyan oo Shilinka Kenya loona baahan yahay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi in ay ku yaboohaan dhismaha safaaradooda lacagta lagu dhisayo, waxaana uu sheegay in lacagtaasi hal milyan oo lacagta Kenya ka mid ah uu bixinayo shaqsi ahaantiisa.
Ganacsatada iyo jaaliyadda dalka Kenya ayaa waxa uu ku ammaanay sida ay ula shaqeeyeen dadaaladii uu ku bixinayay in dib gacanta Soomaaliya loogu soo celiyo dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi oo mudadii bur burka dalka uu ku jiray uu iibsaday Ganacsade Hindi u dhashay.
Wakiilka Cusub oo madaxda Wadamada Urur goboleedka IGAD ay isku raaceen in wadamadaasi wakiil uga noqdo dalka Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Afey ayaa isna dhankiisa ku booriyay dadka Soomaaliyeed ee wax heysta in ay gacan ka geystaan dib u dhiska lagu sameynayo hoygooda dalka Kenya, waxaana uu balan qaaday in uu bixinayo hal milayan oo Shilinka Kenya lacagta lagu qiimeeyay dhismahaasi xarunta Safaaradda, waxaana uu tilmaamay haddii dadka Soomaaliyeed iyo safaaradda ay u soo jeestaan lagu dhisi karo muddo bil ah xarunta safaaradda.
Dadaal dheer oo uu hormuud u ahaa Ambassador Maxamed Cali Nuur Ameeriko Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Kenya ayaa lagu guuleystay bishii December ee 2010-ka in dib loogu soo celiyo xarunta safaaradda ay ku laheyd magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi gacanta dowladda Soomaaliya taa oo ay mahdiyeen bulshada Soomaaliyeed.
Radio Muqdisho