Sida la shegay ilaa iyo Afar Gaari oo ah Nuuca Xamuulka qaada islamarkaana Gar-gaar u siday Dadka ku dhibaateysan Gobolka Sh. dhexe ee uu saameeyey Fatahada Wabiga Shabelle ayaa lagu dhacay Degmada Balcad.
Dhaca ayaa waxaa geeystay Ciidamo ka amar qaata Gudoomiyaha Degmada Balcad Cismaan Xaadoole sida ay noo xaqiijiyeen Dadka Deegaanka, kuwaa oo ku degsaday Guryo ku yaala Magaalada Balcad.
Wararka ayaa sheegay in Gar-gaarkaas ay bixisay Dowladda Turkiga islamarkaana Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ay u dirtay Deegaankaas.
Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa Bilihii danbe ka taagnaa xaalad Bini’aadan tinimo oo haysata dadka uu saameeyey Fatahaada wabiga Shabelle iyo Colaado ka dhacay Bariga Magaalada Jowhar.
Warkii.com