Dekadda Kismaayo oo lagu warejinayo shirkad ajnabi ah & M/Juba oo ka hadlay

0
1097

kismayo20130610Warkii

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa wxay sheegaya in maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda Federaalka ay ka wadahadlayaan sidii dib u dhis loogu samayn lahaa dekada Kismaayo, iyada oo shirkado shisheeye oo wadamo kala duwan ah ay muujiyeen in ay danaynayaan la wareegista maamulka dekada, dib u dhiskeeda iyo dayactirkeeda.

Sida laga soo xigtay sarkaal lagu magacaabo Cabdiqani Jaamac oo la taliye u ah Axmed Maxamed Islaam, waxaa jira shirkado ay ka midtahay shirkadda DP World oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai, shirkado ka jira dalka Shiinaha iyo waliba dalka Turkiga oo oomid waliba uu doonayo in isaga lala galo heshiis ku saabsan dib u dhiska iyo maamulidda dekedda kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Dhanka kale Afayeenka madaxweynaha Soomaaliya Injineer Yariisoow oo arrinkani ka hadlay ayaa sheegey in ay aad muhiim u tahay in shirkad shisheeye oo wax ka soo saareysa dekadda lagu wareejiyo, balse taasi horteeda lagu heshiiyo kala qeybsiga dakhliga kasoo xaroonaya dekada, si buu yiri dadka goboladda Jubbooyinka aysan u dareemin in xamar ay qaadanayso kheeyraadkooda.

C/laahi Xadhuun oo ah Maareyaha dekadda magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dekadda muddo 50-sano ah aanan wax dayactir ah lagu sameynin, isla markaasina u baahantahay wax ka badalis badan, waxyaabaha caqabadaha ah ee ka jirana waxaa ka mid ah labbo markab oo ku degay dekada, kuwaasi oo ay tahay in meesha laga qaado, waxaa kale oo dayactir u baahan bakhaarada waaweyn ee badeecooyinka lagu keydiyo.

Dowladda Soomaaliya oo dekadda Xamar ku wareejisay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, taasi oo maamuleysa muddo 20 sanno ah, ayaa dooneysa in dekada Kismaayo ay iyaduna noqoto udub dhexaadka dhaqaalaha dalka si dowladda uga maaranto ku tiirsanaanta deeqaha dibada ee shuruudaha ku xiranyihiin, waxayna ay dowladda qabtaa in dhaqaalahaasi si wanaagsan loo maamulo, islamarkaasina dadka si siman oo xaq ah dakhligaasi u qeybsadaan, sida ku xusneyd heshiiskii Addis Ababa, maamulka dekada Kismaayo waxaa lagu wareejinayaa dowladda dhexe, balse arrintaasi dib ayaa loo dhigey inta looga heshiinayo kala qeybsiga dakhliga kasoo xaroonaya dekada, taasi oo wadahadaladooda ay socdaan.