Dhalanyaro Soomaaliyeed oo in mudo ah ku jiray xabsi ku yaala Jasiirada Maldevis ayaa lagu wadaa in maanta laga dejiyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo loo heystay falaal burcad badeednimo.
Dhalinyaradan Soomaaliyeed ayaa looga shakiyay iney ka mid yihiin kooxaha burcad badeedda ah ee qafaasha Maraakiibta isticmaala xeebaha Soomaaliya.
Sidoo kale dhalinyaradan oo lagu hayay xabsi ku yaala dalkaasi Maldevis ayaa maanta loogu wadaa in diyaaradda sidda ay soo cago dhigato Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, sida uu sheegay C/risaaq Max’uud Dirir oo ah Agaasimaha La dagaalanka Burcad badeedda Maamulka Puntland ee Soomaaliyeed.
C/risaaq Max’uud, oo sidoo kale ka warbixiyay soo qabashada u fududeeysay ciidamada Badda Maldevis iyo sida loo soo qabtay xilli ay ku socdaalayeen doonyo wuxuuna intaa ku daray ineeysan aheyn Burcad badeed
Muddooyin kii dambe waxaa soo kordhayay tirada dhalinyarada Soomaaliyeed ee iyaga oo ku jira biyaha badaha loo soo qabto tuhunno la xiriira in ay yihiin Burcad badeed kuwaas oo loo geysto tacadiyo ay kamid yihiin xarig.
Radio Muqdisho