Dibad bax lagu taageerayay go’aanka baarlamanka uu codka kalsoonida ugala laabtay xukuumadda ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.
Dibadaxbaxan oo ka dhacay fagaaraha taalladi Sayidka ee degmada Howlwadaag ayaa waxaa ka qeybgalay boqollaal dad ah oo ay ka dhex muuqdeen qaar ka mid ah fanaaniinta Hobolada Qaranka ee Waaberi.
Sidoo kale dibadbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoranayeen halku dhigyo ay ku muujinayeen sida ay u daneynayaan in la sameeyo isbedel, waxeyna kor u taagayeen sawirada Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baarlamanka.
Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa Radio Muqdisho u sheegay in aysan jirin cid soo abaabushay balse ay usoo banaan baxeen isbedelka dhacay iyo go’aanka baarlamanka uu ku riday xukuumada.
Dibad baxayaasha ayaa ka codsaday madaxweynaha in uu si deg deg ah usoo magacaabo xukuumad bixin karta mushaaradka shaqaalaha iyo ciidamada islamarkaana gacan adag ku qaban karta argagixisada Shabaab iyo Alqaaciddo.