Dibadbaxyo lagu taageerayo Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub oo ka dhacay Deegaano ka mid ah Gobolka Gedo

0
826

DibadbaxGedo20131213Wararka ka imaanaya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Magaaladaasi uu kasocdo dibad bax balaaran oo lagu taageerayo Ra’isul-Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed.

Dad weyne fara badan oo wata caleemo qoyan ayaa lasoo sheegayaa in ay isugu soo baxeen Degmada Luuq ee Gobolka Gedo si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan Ra’izul Wasaaraha Cusub ee xalay lagu dhawaaqay.

Gudoomiyaha degmada Luuq Axmed Buulle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dibad baxu uu ku socdo jawi dagan oo nabad galyo ah isla markaana dadka ay isugu soo baxeen taageerida R/Wasaaraha Cusub.

Waa dibad baxii ugu horeeyay oo lagu taageerayo Ra’isul-Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo ka dhaca qeybo kamid ah Soomaaliya waxaana la filayaa in maalmaha soo aadan dibad baxyo kale oo lagu taageerayo R/Wasaaraha in lagu qabto Muqdisho iyo Magaalooyin kale.

Somaliweyn