Doowlada Federaalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay maanta Diyaarad u direysa Soomaalida Koofurta Sudan ku go’doonsan.
Diyaarad Rakaab ah oo ay Doowlada kireysay, ayaa lagu wadaa Saacadaha fooda nagu soo haayo ineey ka duusho Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Adde.
Diyaaradan oo ay leedahay mid ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida ayaa lagu wadaa in subaxnimada ay gaarto caasimada Koonfurta Suudaan ee Jubba halkaasoo ay ku diyaarsan yihiin boqollaal ruux oo Soomaali ah oo maalmihii la soo dhaafay ku jiray xarunta safaadarada Soomaaliya ee magaalada Jubba halkaasoo ay kaga gabanayeen dagaalada culus ee u dhexeeya ciidamada dawlada iyo kuwa mucaaradka.
Wararka laga helayo dalka Koonfurta Suudaan ayaa sheegaya in tirada dadka Soomaalida ee soo gaaraya magaalada Jubba ee caasimada Koonfurta Suudaan ay sii kordhayaan, isla markaana hal diyaarad aysan ku filnaan doonin, waxaana shalay wasiirka arrimaha dibadda Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka hadashay ay sheegtay in diyaarad ay markale laaban doonto maalinta berito ah si ay u soo qaado dadka ay soo qaadi weyso maanta.
Midnimo