Dowlada Mareykanka oo Cadaalad daro ku eedeysay DF Somalia

0
932

StateDepartmentDowlada dalka Mareykanka ayaa waxa ay soo saartay qoraal ku aadan kiisas kufsi ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho taasoo ay sheegtay in si qaldan lagu xukumay dad dhibanayaal ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Arimaha Dibada ee dalka Mareykanka Qeytiisa Afrika ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in DF Somalia ay ka shaqeyso sidii ay cadaalada Muhiim u ahaan la heyd qof kastana uu xaqiisa helo
Dowlada Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in ay qalad tahay in xabsiga la dhiko ruux wareystay qof dhibanaha ah isla markaan aysan ku jirin shuruucda xuquuqda aadanaha ee ku aadan dhanka dhibanaha.

Sidoo kale DF Somalia ayaa loogu baaqay in ay u hogaansamaan waxa uu dhiaayo Destuurka Somalia sidaas awgeed aan lo baahneyn in dad denbi galo loo eexdo isla markaana xabsiga loo taxaabo ruux soo bandhigay tacadiyo loo geystay qof dhibanaha ah.

Afhayeenka Wasaarada Arimha Dibada Mareykanka Will Stefan ayaa sheegay in kiiskii lagu qaaday Wariye soo bandhigay gabar la kufsaday iyo gabartii la Kufsatay uu yahay mid sababi kara in mar kale aan la soo bandhigin kiis ku saabsan dhanka Kufsiga.

Dhanka kale Dowlada Mareykanka ayaa Maxkamada ku eedeysay in sababtay in meel looga dhaco xuquuqda qof la kufsaday iyo Wariyaha in uu xaq u leeyahay in uu soo bandhigo tacadiyada noocaan oo kale ah.

Somaliweyn