Dowladda Itoobiya oo ciidamo dheeraad ah usoo diraysa Soomaaliya

0
998

CiidamadaItoobiyaRa’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Xeyla Maryam Disaaleyn ayaa xaqeejiyay in dalkiisu uu aqbalay codsi ka yimid dhinaca golaha amaanka ee Qaramada midoobe oo ku aadanaa in cidamada Itoobiya ay ka qeyb qaataan howl galka AMISOM ee gudaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarasaha ayaa sheegay in ciidamadaasi ay dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ku gacan siin doonaan ka takhalusida xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta bariga qaarada afrika islamarkaana xiriirka la leh ururka Alqaacida.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa go’aamiyay in afar kun oo askari lagu kurdhiyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa horay u joogay gudaha dalka Soomaaliya kuwaas oo ku andacoonaya inay qeyb ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta AMISOM hasa ahaatee waxay iminka u muuqaneysa in loo galinayo shaati cusub oo u ogolaanaya inay si toosa uga mid noqdaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Somaliweyn