Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ciidamo dheeraad ah oo qayb ka noqon doona howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay u soo dirayso Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan howlgallada lagula dagaalamayo maleeshiyaadka Al shabaab, islamarkaana dib xasislooni loogu soo dabaalayo guud ahaan Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda VOA ayaa sheegay in guuto ciidan ah oo ka socda dalkiisa ay sadax toddobaad gudahood ku biiri doonaan ciidanka Jabuuti ee jooga gobolka Hiiraan, si ay u sii xoojiyaan howlgalka ay ciidamada ka wadaan gobolka Hiiraan, isagoo meesha ka saaray in wax wada hadal lala galo maleeshiyaadka xagjirka ah ee Al shabaab.
“Al shabaab waxaa lagula diriri karaa in dhalinyarada la howgeliyo oo lashaqo geliyo, labo boqol oo Soomaali Diasporo ah haddii ay 20 doolar u soo diraan Soomaaliya wax badan ayaa lagu qaban karaa, taasi oo keeni karta in dhalinta ay bilaw u tahay shaqo abuur loo sameynayo, waxa ay dabka ku daadinayaan Shabaabku waa dad shaqo la’ aan ah marka hala jiheeyo dhalinyarada si loogu abuuro shaqooyin kala duwan” ayuu Madaxweynaha Jabuuti hadalkiisa ku daray.
Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ciidamad ay u soo diriyaan Soomaaliya ay qeyb weyn ka qaadan karaan nabad ku soo dabaalidda guud ahaan geyiga Soomaaliya, isagoo xusay in ciidamada Jabuuti eek u sugan gobolka Hiiraan si weyb loogu diirsaday oo ay u soo dhaweeyeen shacabka gobolkaasi ku dhaqan, kadib markii ay wax ka qabteen dhanka arrimaha bulshada.
Cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ayaa horay ugu sugnaa magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaasi oo wax badan ka qabtay dhinacyada ammaanka, tababar siinta ciidamada dowladda iyo horumarimta adeegyada aas aasiga u ah bulshada.
Radio Muqdisho