Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Sheekh Max’ed Faroole oo la hadlay Saxaafadda Kadib kulan dhex dhexaadin ah oo uu la qaatay Madaxweynihii Hore ee Maamulkaas Jeneraal Cadde Muuse ayaa Beesha Caalamka iyo Shacabka Puntland ka codsaday in ay Ammaanka kala shaqeeyaan inta ay socoto Doorashada Maamulkaasi.
Mr Faroole ayaa sheegay in ammaanka uu qal qal geli karo Rabshadana ay dhici karaan sidaa daraadeed dowladaha taageera Maamulka Puntland ay ka flayaan in ay taageero ka geystaan Xaqiijinta Nabad Gelyada.
Dhanka kale Jeneraal Cadde Muuse Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland oo isna halkaasi kula hadlay Warbaahinta ayaa Guddiga Doorashada ka dalbaday in cadaaladda ay Mudnaanta siiyaan.
Si kastaba Labadani Masuul ayaa shalay kulan lagu dhex dhexaadinayay waxa uu ka dhacay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland kaas oo ay Garwadeyn ka aheyd Qaramada Midoobay.
Shabelle