Faroole oo sheegay in uu aqbali doono, haddii doorashada looga guuleysto

0
892

Faroole20131212_1Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa waxa uu marka hore sheegay in uu yahay Musharax markale u taagan xilka Madaxtinimada ee Puntland.

Faroole ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu aqbali doono, haddii tartanka Doorashada ee Madaxtinimada looga adkaato, 8-da bisha Janaayo.
Madaxweye Faroole, ayaa wuxuu xusay inaanu wax dhibaato ah u horseedi doonin dadka reer Puntland, haddii la xaqiijiyo in looga guuleystay tartanka Doorashada, sida uu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay inaanu noqon doonin in maleeshiyo beeleedyo uruursada, dagaal sokeeyana ka dhex abuura deegaanada uu ka arrimiyo Maamulka Puntland.
Dr. Faroole, ayaa intaa ku daray in uu noqon doono Oday reer Puntland ah, haddii ay dhacdo in lagu garaaco tartanka Doorashada adag, ee uu ololaha loolankeedu ka soconaayo Puntland.

Midnimo