Garoowe:- Islaan Bashiir oo Xalay Madawayne Faroole la qaatay kulan saacado socday

0
901

Faroole20130616_1Allpuntland
Waxaa Habayanimadii xalay Xarunta Madaxtooyada Puntland ka dhacay kulan saacado badan qaatay oo dhexmaray Madaxwaynaha Puntland & Islaan Bashiir Islaan Cabulle oo kamid ah Isimada Puntland sida wayan looga yaqaan.

Kulanka dhexmaray Madaxwayne Faroole & islaan Bashiir ayaa ahaa sida aan xogta ku hayno mid albaabadu u laabanyihiin, iyadoona kulanka aysan cid kale kala qayabgalain.

Kulanka oo socday sadex sacadood ayaa wali laga hayan xog rasmi ah oo ku aadan waxyaabaha kasoo baxay, iyadoona la saadaalinayo in looga wada hadalay arimaha khilaafka ka taagan doorashada, iyadoona Musharaxiinta & Madaxwaynaha Puntland uu wali khilaafkoodii halkiisii taaganyahay.

Isimada Puntland ayaa waxaa looga fadhiyaa xal u helida arintaan taagan, iyadoona Isimadu ay horay ugubaaqeen Midnimo & isku duubnaan.

Doorashada ayaa wali ah mid laga shaki qabo inay dhacdo wakhtigii loogu talo galay, iyadoona Warar allpuntland helayso ay sheegayaan in xildhibaanadii loogu talo galay inay soo dhamaystirmaan 15_ December_2013 aysan wali soo dhamaystirmin.