Toban murashax oo ka mid ah kuwo u taagan xilka madaxtinimadda dowladda Puntland ayaa maanta shir ay ku yeesheen hoolka shirarka Hay’adda PDRC waxay kasoo saareen baaq qodobaysan.
Shir1Waxay marka hore murashaxiinta sheegeen inay soo dhawaynayaan aqbalaadda uu sameeyay madaxwayne Cabdi-Raxmaan Farole ee ah in la wada kulmo oo laga wada hadlo arrimaha la isku hayo.
shir2Murashax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo ku hadlayay afka murashaxiinta shirkaasi kasoo qayb galay ayaa saxafada uu sheegay inay muhiim tahay helintaanka guddi isimo ah oo dabo gala howsha ay qabanayaan guddiga xalinta khilaafaadka.
Qodobadda kasoo baxay shirkooda ayaa u qornaa sida tan.
1:Haddaan nahay murashaxiinta waxaan soo dhaweyneynaa aqbalaada madaxwaynuhu aqbalay codsigii aan soo jeedinay ee ahaa wada-hadalka.
2:Waxaan u aragnaa inay muhiim tahay in madaxwaynuhu joojiyo shaqada guddiga khilaafaadka uu asagu magacaabay.
3:In lasameeyo guddi issimo ah oo kormeera shaqada guddiga xallinta khilaafaatka sidii horay u dhici jirtey.
4:Annagoo eegeyna danta guud iyo maslaxadda Puntland waxaan isla aragney in lagu dhameeyo arrinta wadahadalka muddo labo maalmood ah oo ku eg maalinta isniinta ah 16-12-2013,madaxweynuhu uu qaato tallooyinka kor ku xusan si loo abuuro jawi ku habboon wada-hadal,iyadoo aysan xujo aheyn madasha kallunka.
Waxaa go’aamadaas wada qaatay murashaxiinta hoos ku xusan,iyagoo wakiil ka ah dhammaan murashaxiinta xilka madaxtinimadda dowladda Puntland.
1:Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
2:Maxamed Cabdinuur Xirsi.
3:Cali Xaaji Warsame.
4:Cali Xaaji Cabdulle.
5:Cabdilaahi Aw-Muuse.
6:Cabdidaahir Maxamed Yuusuf.
7:Cali Cabdi Awaare.
8:Cabdirisaaq Nuur Caluula.
9:Cabdilaahi Cali Mire.
10:Cabdixakiim Cabdullahi X.Cumar.
PuntlandPost